Send us your Somali language video on how to keep safe from coronavirus and win big prizes
Win US$1,000 in Our COVID-19 Video Competition
April 14, 2020
Sideed uga qeyb gali kartaa?
Samey filin aad uga hadleyso qaabka aad adiga iyo dadka kale uga ilaalin lahayd Fayraska Corona.
- Muuqaalku waa inuu ahaadaa laba daqiiqo ama ka yar.
- Muuqaalku waa inuu ahaadaa mid ku dheehan maadeysi, madadaalo & halabuur.
- Isticmaal halkudhigga #KahortagCorona.
- Muuqaalkaaga soo gali bogga Tartanka ee Facebook-ga lana wadaag asxaabtaada.
SHURUUDAHA
Tartanka waxuu u furanyahay qof walba, dal & dibad meesha uu doono ha joogo.
- Filinka waa qasab in lagu sameeyo luuqadda af Soomaaliga.
- Waa qasab inuu fariinta uu Filinka ka hadlaayo ay ku saleysnaataa warbixinta iyo macluumaadka ku qoran website-kan (Gaar ahaan fariimaha ka hadlaaya sida uu ku faafo Fayraska & sida looga hortagi karo).
- Xuquuqda Filimka waxaa iska leh dadka sameeyay balse UNDP waxay xaq u leedahay in ay macluumaadka lasoo galiyo u isticmaasho fidinta tartanka iyo in ay wacyi-gelin ku sameyso.
- UNDP waxay xaq u leedahay in ay daabacdo magacyada filim-sameeyayaasha tartanka soo galo
- Dadka Tartanka kasoo qeyb galaayo mas’uuliyad ayaa ka saaran in ay hubiyaan ogolaanshaha dadka filinkooda ka dhex muuqdo (iyo waalidkooda haday caruur yihiin)
- Tartanka loogama soo qeyb gali karo muuqaal/ama sheeko dad kale laga so xaday
- UNDP waxay xaq u leedahay in ay ka joojiso tartanka ciddii ay doonto iyo xilligi aan doonto.
- UNDP waxay xaq u leedahay in ay kordhiso muddada tartanka uu soconaayo.
- UNDP waxay xaq u leedahay in ay badali karto qaabka loo xulaayo dadka guuleystay hadey xal u aragto. Shaqaalaha UNDP iyo xubnaha qoyskooda uma banaana in ay ka qeyb qaataan Tartanka
XULITAANKA
- Muuqaallada buuxiya shuruudaha waxaa lagu soo daabacayaa bogga Tartanka ee Facebook-ga.
- Muuqaalka waxaad sidoo kale ku daabacaysaa bogagga aad baraha bulshada ku leedahay.
Khubaro wariyayaal ah ayaa so xuli doona muuqaalada tartanka ku guuleysta iyagoo qiimeynaya tayada muuqaal-sameynta, xagga madadaalada iyo kuwa loogu xiisaha iyo daawashada badanyahay. Laakin waxa ugu muhiimsan ee la qiimeynaayo waa in muuqaalku uu si wanaagsan u gudbiyaa fariinta saxda ah ee cudurka COVID19.
Kan ugu horeeya waxuu ku guuleysanayaa abaalmarin $1000 ah.
- Muuqaalka labaad waxuu helayaa abaalmarin $300
- Midka sedaxaadna waxuu ku guuleysanayaa $200
Ugu dambeyn nafsadaada halisi ha gelinin marka aad filnnka sameyneysid. Xusuusnow in aad dadka ka fogaatid oo aad is ilaalisid.